- Mein Weg zur digitalen Selbstverwirklichung mit HimiloTech

Somali – HimiloTech: Safarkaygii Riyada iyo Rajo-gelinta Dhallinyarada !
Waxaan muddo dheer jeclaa inaan noloshayda wax ka beddelo, isla markaana aan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Jarmalka jooga ka caawiyo inay gaaraan riyooyinkooda waxbarasho iyo shaqo. Magacaygu waa Abdiaziz Mohammed Jaama, waxaanan aasaasay HimiloTech si aan u buuxiyo baahi muuqata: qof walba oo raba in uu is beddelo, fursad cusubna helo, waa in uu haystaa dariiq sax ah, taageero joogto ah, iyo hage la isku halayn karo.
Markii aan Jarmalka imid, caqabadaha i hor yaallay way badnaayeen: af cusub, nidaam waxbarasho oo adag, iyo suuq shaqo oo tartan badan. Laakiin niyadda iyo rajo-gelinta aan u qabo IT-ga iyo barashada casriga ah ayaa iga dhigtay inaan horumar sameeyo, aan is barto, dadka kalena waxtar u yeesho.
HimiloTech waxay dhashay si aan ugu sahlano:
Koorsooyin IT ah oo casri ah (Systemadmin, Cloud Computing, Linux, Web Developer, Data Analyst, Networking)
Lataliye shaqsiyeed iyo taageero joogto ah (Jaamacad, Ausbildung, Umschulung, Weiterbildung)
Waxbarasho flexible ah oo luqado badan ku baxa – Soomaali, Deutsch, English
Maanta waxaan arkaa dad badan oo riyadooda u suurtagashay, waxbarasho ku guuleystay, shaqo cusub helay ama noloshooda wax weyn ka beddelay – dhammaantoodna waxaa dhiirrigeliyay HimiloTech.
Hadafkeyga:
Waxaan doonayaa inaan DADKA oo dhan tuso in riyadu ay rumoobi karto, haddii loo helo hage sax ah iyo dadaal joogto ah. Aniga iyo HimiloTech, waxaan diyaar u nahay inaan kula soconno safarkaaga riyada.
Kusoo biir – riyadaada maanta ha bilaabato! 🚀